SAADAASHA DOORASHADA JAGADA MADAXWEYNE EE SOMALILAND 2017 GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA SIDAY XISBIYADU U KALA HELI KARAAN

Hawdbari – Hargeysa -Marka la eego tirade dadka isdiiwaan geliyey ee qaatay kaadhadhka. Marka la eego inta qof ee la filayo inay codeyso, taasoo aanu eegnay in illaa ku...

Hawdbari – Hargeysa -Marka la eego tirade dadka isdiiwaan geliyey ee qaatay kaadhadhka. Marka la eego inta qof ee la filayo inay codeyso, taasoo aanu eegnay in illaa ku dhowaad 15% la fili karo inaanay iman taasoo ka dhigaysa tirade codka dalka 85% oo ah lambarka ugu sarreeya marka la ego dalalka demoqraadiyaddu ka jirto.

Marka loo fiirsado taageerada xisbiyada ee gobolada iyo degmooyinka iyo siday reeruhu u kala raacsan yihiin. Ogow qabyaalad in xisaabta lagudaro waa mid meesha ku jirta. Isla markaana loo fiirsado isbeddelka ololaha ee maalin kasta dhacaya gaar ahaan goobaha xaasaasiga ah ee sida bariga Burco, Ceel Afweyn, Laascaanood, iyo Hargeysa. Kuwaasoo ah meelo tilmaami kara hadba sida ay xaraaradda siyaasadeed marayso . Weliba aad loogu kuur galo tirade gobolada iyo degmooyinka codadka ugu badani ay ka jiraan waxa soo baxay sawir muujiniya saadaasha sida ay xisbiyadu u kala heli karaan cododka haddii maanta la tiriyo.

Xisbiga Kuliye wuxuu heli karaa in ku dhow 49%, halka uu Waddani heli karo 43%, UCID waxa ku soo hagaagi kara.

Caasimadda Hargeysa oo ugu dad badan ayaa waxan filaynaa in isu soo buxu noqdo mid aad u badan taasoo wax ka beddeli karta natiijada. Waxana ay guushu raaci kartaa xisbigii isagu qiira geliya taageerayaashiisa oo soo bandhiga shucuub aad u sarreeya.

Sidoo kale waxa tirade kama dambeysta ah wax ka beddeli kara Burco oo lagu yaqaan xamaasad iyo ficil badan.  Gobolka Awdal oo xiliggan ah meelaha aad looga ololeeyo waxa saadaashu sheegeysaa in magaalada Seylac o madaxweyne ku xigeenku ka soo jeedo iyo weliba Borama uu Kulmiye aad ugu horreyn doono marka loo eego reeraha dega degmooyinkaas oo aad u taageersan Kulmiye.

Waxa saadaashu sido kale hordhac u eegaysaa in Burco, Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Sheekh uu xisbiga Waddani wacdaro ka dhigi doono taasoo keeni karta mid halis gelisa kasloonida Kulmiye ee degmooyinkaas.

Si kastaba ha ahaatee waxa xaqiiqadu tahay in gobolada galbeeka Somaliland ay ku badan yihiin dadku iyo cod bixiyayaashu taasoo Kulmiye ku xisaabtamayo inay dheelli tirto tiro kasta oo ka soo baxda  dhinaca bariga haddii ay ku yaraato inta uu ka filayo.

Ogow maaha tiro rasmi ah ee waa saadaal. Markaa haddaad saluugto bal xisaabi uu mid macquul ah so bandhig.

RELATED BY